buliyeey shinbiryahay
maris barakalaad tahay
oo bishaaro sheegtoo
iyo buuro malabeed
warkaan buuran gaadoo
adigaa wax baal laba
buuro malaba ahoo wayn
na dul geeya buuxee
bal aan kuu tilmaamee
biro madax ma yuubtoo
dharka biid ma xidhatoo
dibnaha bey ma marisee
timo baar madawbaa
bidix looga feedhaa
iga soo bogsiiyoo
gu baldhiidhe weeyee
hawd beesha daaqdiyo
beeyadii nugaaleed
guudh bari guntiisoo
kor u soo boqooloo
bulsho udub ka raacoo
juba baalaheediyo
wabiyada ka baadhoo
biro madax ma yuubtoo
dharka biid ma xidhatoo
dibnaha bey ma marisee
baliyadii banaanaa
ceelkii bulaaliyo
babacyad hurdaysane
faafan baadi gooboo
beeqaaq hundaha oo
banka qaydaree sare
beeraha wajaaliyo
bada soo wareegoo

Exit mobile version