adigaa wax baad laba buur malaba ahoo
la dul geeyo buuxee bal aan kuu tilmaamee
baadiyeey ku nooshahay
boqol kala bax weeyaan isha buuxinaysoo
barkadii cadaydiyo boqorkiyo dhaclihii hore
ayaan garan bildhaantee iga soo bogsiiye
buliyeey shinbiryahay u baldhiidhe weeyee
hawd beesha daaqdiyo beeyadii nugaalee
baad bari guntiisoo
kor u soo boqooloo bulsho udub ka raacoo
juba baalaheediyo wabiyada ka baadhoo

timo baar madawbaa bidix looga feedhaa
iga soo bogsii
buliyeey shinbiryahay baliyadii banaanaa
ceelkii bulaaliyo babacyad hurgayskiyo
faafan baadi gooboo
beeqaa humdaha oo banka qaydaree sare
beeraha wajaaliyo bad ka soo wareegoo

bandar kuuma dirayee biro madax mayuugtoo
dharka biid ma xidhatoo dabnaha biyo ma marisee

Exit mobile version