VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hodan - Lyrics

caashaqa hawen waa haruu caadil soo rogaye sayidkii carshiga nuuray iyo caliba soo gaarye cidla lagama beermeen dadkoo coodi waaxida he waxa ceynba ceyn looga dhigay ha is cajabiyeene somalida caada xume iguma caaysen wey abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya badaw waalidki naare side geedlomarinaya sida geel hayaamoo wax badan hoowd ka marinayay ama hara la soo joojiyayoo koraygu heesaayo oo boobaleey lo qaaday iyo hadal walwaaleedka hadey howl yaraan idinla tahay aniga wey hooge heblo markaad tiraahdanba waan soo hinqanayaa abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya badaw waalidki naare side geedlomarinaya midi aad hurdadaba uga go,daye gama,a ku diiday midii aad gayaankaba u nacdaye garab ka eegeeysay midii nabarkan ku geysatay halistan ku gaadhay(gaartay) galabtaba (nacas ee ) hadi ey kaa tagtayooy gacanta ka taagtay hadaad dhimato geeridu marbey nolosha dhaantaaye nafyahay guuldaradu heysataa ha i gunuunicin dheh abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya badaw waalidki naare side geedlomarinaya intaan samo ka talinayay maxey talo i segesay sida aabahey sulug ku dhacay cadawna seeteyay saqda dhexe maxaan reemay oon seexan kari wayay maxaan saban colaad la iga rabay sahashadoon daayay maxaan saabka buuxsamay sami sun iyo boog daacay maxaan sabab aad leedahay darteed sahan ku xoogoobay nin ILAAH saciim kisabaan balaba saaqeyne RABI ba i seejiyaye maxa dhimasho la ii saadshay waxba nacabkan ha u sacaba tumin qoolka kuu sida e ka soo noqo saraar iyo nugaal waan ku sugayaa dheh abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya badaw waalidki naare side geedlomarinaya hadii qurux ladaawado in uun aadmi ku qanacaayo ama ili wax qabaneyso oo lagu qaboobaayo aniguba qadro aan so arkiyo qaararkii hodane hablayahow halkii qoobaneed baa i qabateene qalbigaa bogsinayay ba qac iga siisene qosolkan yaryari wa waxad nagu qaldeysane inaan EEBAHEY idin qaribin qariya laabtiina sida go,eygi tihiyo macawistaan goostay ama aad godki aakhira iyo geeri iga baajin gardariye maxan ina abti kaaga go,i wayay abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya badaw waalidki naare side geedlomarinaya inanyahay awoodesataye diiday amarkeyga inanyahay abaalkan u galay gudi aqoon weyday inyahay iinteyda xumi darteed fulinin eesheyda aramidan i heyso iyo naxligan jiifa araxdeyda urugadan badnaate intaa taalo agaheyga niyadeyda aayaha xun lehe agagaf deegaanshay ma ilaawo nooluhu waxu yeelo aadmiguye maanta iga adkaatoo waqtigu aabe ku noqye nabsigii albaabadan fuuraa aayar soo xiriye markaasan aarsan doona hadaan moodku ii imane nabsigaad gashaa waadanbuu kugu gadootaaye intaa wa ku daba gaanbiyaa gaafna kaayahaye ganbashuu dabadeed kugu dilaa kuguna gaadaaye waxaad geeysatuu soo guraa goor iyo ayaane
Queue is empty
-- / --