VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hodan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Omar Dhuule
Hodan

caashaqa hawen waa
haruu caadil soo rogaye
sayidkii carshiga nuuray iyo
caliba soo gaarye
cidla lagama beermeen
dadkoo coodi waaxida he
waxa ceynba ceyn
looga dhigay ha is cajabiyeene
somalida caada xume
iguma caaysen wey
abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya
badaw waalidki naare side geedlomarinaya

sida geel hayaamoo wax badan
hoowd ka marinayay
ama hara la soo joojiyayoo
koraygu heesaayo
oo boobaleey lo qaaday iyo
hadal walwaaleedka
hadey howl yaraan idinla tahay
aniga wey hooge
heblo markaad tiraahdanba
waan soo hinqanayaa
abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya
badaw waalidki naare side geedlomarinaya

midi aad hurdadaba uga go,daye
gama,a ku diiday
midii aad gayaankaba u nacdaye
garab ka eegeeysay
midii nabarkan ku geysatay
halistan ku gaadhay(gaartay)
galabtaba (nacas ee ) hadi ey kaa tagtayooy
gacanta ka taagtay
hadaad dhimato geeridu
marbey nolosha dhaantaaye
nafyahay guuldaradu heysataa
ha i gunuunicin dheh
abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya
badaw waalidki naare side geedlomarinaya

intaan samo ka talinayay
maxey talo i segesay
sida aabahey sulug ku dhacay
cadawna seeteyay
saqda dhexe maxaan reemay oon
seexan kari wayay
maxaan saban colaad la iga rabay
sahashadoon daayay
maxaan saabka buuxsamay sami
sun iyo boog daacay
maxaan sabab aad leedahay darteed
sahan ku xoogoobay
nin ILAAH saciim kisabaan
balaba saaqeyne
RABI ba i seejiyaye maxa
dhimasho la ii saadshay
waxba nacabkan ha u sacaba tumin
qoolka kuu sida e
ka soo noqo saraar iyo nugaal
waan ku sugayaa dheh
abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya
badaw waalidki naare side geedlomarinaya

hadii qurux ladaawado in uun
aadmi ku qanacaayo
ama ili wax qabaneyso
oo lagu qaboobaayo
aniguba qadro aan so arkiyo
qaararkii hodane
hablayahow halkii qoobaneed
baa i qabateene
qalbigaa bogsinayay ba qac iga siisene
qosolkan yaryari wa waxad nagu qaldeysane
inaan EEBAHEY idin qaribin qariya laabtiina
sida go,eygi tihiyo macawistaan goostay
ama aad godki aakhira iyo geeri iga baajin
gardariye maxan ina abti kaaga go,i wayay
abtirsi wa kuuna miri cishqi kinaya
badaw waalidki naare side geedlomarinaya

inanyahay awoodesataye diiday amarkeyga
inanyahay abaalkan u galay gudi aqoon weyday
inyahay iinteyda xumi darteed fulinin eesheyda
aramidan i heyso iyo naxligan jiifa araxdeyda
urugadan badnaate intaa taalo agaheyga
niyadeyda aayaha xun lehe agagaf deegaanshay
ma ilaawo nooluhu waxu yeelo aadmiguye
maanta iga adkaatoo waqtigu aabe ku noqye
nabsigii albaabadan fuuraa aayar soo xiriye
markaasan aarsan doona hadaan moodku ii imane

nabsigaad gashaa waadanbuu kugu gadootaaye
intaa wa ku daba gaanbiyaa gaafna kaayahaye
ganbashuu dabadeed kugu dilaa kuguna gaadaaye
waxaad geeysatuu soo guraa goor iyo ayaane

codkii Omar Dhuule