Afkayguba Ma aamusoo
Uurkaygu way olalayaan
ayaa arkoo aaminaa
indhahaygaa oyayoo

Yartaan awaadeed u oo maana
axdaan wada marnoo may oofinine
nabsi oodaabaan ku albaabayaa
ayaa arkoo aaminaa
indhahaygaa oyayoo

Yartii aynigeed u ilwaadsanayd
ereyada kal gacal tii i odhan jirtee
ubaxii janada midkaan ugu jeclaa
ayaa arkoo aaminaa
indhahaygaa ooyayoo

Sida ubad aan dhalay
yartaan eegan jirey
taan aawadeed
aanfacada u nacay
waxa la yidhi armiyo
amakaag tayoo
anfariir tayoo
ambatoo luntee
ayaa arkoo aaminaa
indhahaygaa ooyayoo

Exit mobile version