Kalgaceeylka baasee
dhaqso igu kadiyaaa
kooraha i saare.

Isagaa kuleeylkiyo
kaarka iyo xanuunkaba
igu sii kordhinayee.

Adiguna Kasdaraneey
ii kaadin weeydoo
kohashada aan kuu qabo.
Ayeey kaa badeeysee!

Kol koolinteediyo
sidaan kuugu kululaa
kibirkaba ka qaadeee.

Koluun baad? sidaydaa
kambaruursan meeloo
ana kurbada baas
ka kaaftoomi doonaa.

Adigana Kasdaraneey ,
ii kaadin weeydoo
kohashada aan kuu qabo
ayeey kaa badaysee!

Sidaan kuugu koobnahay
koleey maad iloowdeen
intaad koonka joogtee.

Ha ka tegin karaamada,
wataa kor iyo hoos
kaftan? kugu sheegaye.

Waa karaa ilaahay
inaad kaalintaadii
kabashada biloowdoo
dabka ila ku laashee

Lyrics by: Dr Hussain

Exit mobile version