anigoo haboonoon
dhibi ii horaynin
habeenkaan ku arkay
miyaa la i haleelay
humaagaagii fiicnaa
miyaa la i horkeenay

lagaagama horaynine
miyaa lagu haleelay

la iigama horaynine
miyaa la i haleelay

cilmi kii haligayee
qays caamir hooyaa
i hogaaminaayoo
halbawlaha i gooyee

hedu way baxaysaa
wadka lama huraayee
hadhaw yaad ku sheekayn
nacasnimuu ku hoydee
ha ii halaadin adigaan
anba kuu hanwaynee

hadii aad wax garad tahay
halisbaan ku suganay
hogiibaan dul aalaa
nin aanu hurayninee
haween ha igu noqonine
abaal ii hanbaysoo

Exit mobile version