VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Layga kaa - Lyrics

Tagay ceelashaa bariyoo baryana Tagay ceelashaa bariyoo buuhoodle Buuraan ka haybsadayo biyahan dhuray Dhirta caynabo oo bardaha ku Wareegay buur dahaboo Ka baaqay nanadii hawdoo Biimeeyay naftan bogsiin jirayee Lay iga kaa qaadyoo La ina kala qariyee Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye Baday caashaq waa bala oo Ala i baday caashaq waa bala oo Maa buuranin ku bariinsadayoo Jidhkaygu bade luuq ka buuxsamayoo Bogsiin kari waayey boobshidanee Burdahaan ku dhamayn inuu baxa oo Lay iga kaa qaadyoo La ina kala qariyee Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye Hooto geenyo halabsadayoo Baabuur hawtay geenyo halabsadayoo Habeenkii daroor u sii hoydoo Ka haw idhi hiirtii waabarigoo Hadhkii maalinimo haday tahayee Galool hadh dacar la hoos galayoo Halkaana cabaar ku yara hadhsadoo Sidii haatufkii waxbaa ila hadloo Hareertaydii eegayoo hinqadoo Haleeyay hubkaan sitoo idiloo Hayaan hawte geenyo halabsadayoo Horo u soco bay yidhaahdeenoo Hagaag ii tilmaamay hilinkiiyoo Ku soo hirtay hugunkii reerahoo Hoosaan u waraystay hoygoodoo Kamaan helin taan u hawl galayee Lay iga kaa qaadyoo La ina kala qariyee Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye Dawadaada la ii dhiibyoo Na bilaynu dawadaada la ii dhiibyoo Dabeedabay iyo dahraan tagayoo Dayuurado la igu doonaayoo Sidii dahab la ii dawariyaayoon Dabiib kaga diiqad galiyaayoo Ku dib unaan naagta doondonahayee Lay iga kaa qaadyoo La ina kala qariyee Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye Iyo soonba waan ka tagayoo Salaad iyo soonba waan ka tagoo Sodonkii ramadaan ka sii daayoo Ma seexdo hurda sabanadanoo Salaanta samaqaado saaxibadayoo Dhalintii suuqa waan is wada seegnoo Aduunbaa sobob kala safiya dhaha oo Intaan soo socono waaye sigade Lay iga kaa qaadyoo La ina kala qariyee Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye
Queue is empty
-- / --