VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Layga kaa mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Omar Dhuule
Layga kaa

Tagay ceelashaa bariyoo baryana
Tagay ceelashaa bariyoo buuhoodle
Buuraan ka haybsadayo biyahan dhuray Dhirta caynabo oo bardaha ku
Wareegay buur dahaboo
Ka baaqay nanadii hawdoo
Biimeeyay naftan bogsiin jirayee
Lay iga kaa qaadyoo
La ina kala qariyee
Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye

Baday caashaq waa bala oo
Ala i baday caashaq waa bala oo
Maa buuranin ku bariinsadayoo
Jidhkaygu bade luuq ka buuxsamayoo
Bogsiin kari waayey boobshidanee
Burdahaan ku dhamayn inuu baxa oo
Lay iga kaa qaadyoo
La ina kala qariyee
Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye

Hooto geenyo halabsadayoo
Baabuur hawtay geenyo halabsadayoo
Habeenkii daroor u sii hoydoo
Ka haw idhi hiirtii waabarigoo
Hadhkii maalinimo haday tahayee
Galool hadh dacar la hoos galayoo
Halkaana cabaar ku yara hadhsadoo
Sidii haatufkii waxbaa ila hadloo
Hareertaydii eegayoo hinqadoo
Haleeyay hubkaan sitoo idiloo
Hayaan hawte geenyo halabsadayoo
Horo u soco bay yidhaahdeenoo
Hagaag ii tilmaamay hilinkiiyoo
Ku soo hirtay hugunkii reerahoo
Hoosaan u waraystay hoygoodoo
Kamaan helin taan u hawl galayee
Lay iga kaa qaadyoo
La ina kala qariyee
Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye

Dawadaada la ii dhiibyoo
Na bilaynu dawadaada la ii dhiibyoo
Dabeedabay iyo dahraan tagayoo
Dayuurado la igu doonaayoo
Sidii dahab la ii dawariyaayoon
Dabiib kaga diiqad galiyaayoo
Ku dib unaan naagta doondonahayee
Lay iga kaa qaadyoo
La ina kala qariyee
Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye

Iyo soonba waan ka tagayoo
Salaad iyo soonba waan ka tagoo
Sodonkii ramadaan ka sii daayoo
Ma seexdo hurda sabanadanoo
Salaanta samaqaado saaxibadayoo
Dhalintii suuqa waan is wada seegnoo
Aduunbaa sobob kala safiya dhaha oo
Intaan soo socono waaye sigade
Lay iga kaa qaadyoo
La ina kala qariyee
Ala qacdaan ku arkaan is qoonsadaye

codkii Omar Dhuule