miyaa ciil loo dhintaa
miyaa cadho lala tagaa
miyaa camal loo dhintaa
nasteexo miyaa la caydhshaa
miyaa cadaw loo jabshaa

ruuxaad calmateed jeclaatay
dunida uga caaganaatay
nafteeda iyadoon canaanan
ma inay kugu caasidaa

hadii cabanyahaw bislaaday
codkaagu naftayda deeqay
hadaan cindigayga laabtiyo
aan calooshayda kuu baneeyay
dawooy ma inaad i ciishoo
cakuye la igu wiirsadaabaa

jacaylku markuu i ciilay
markuu cududaha i gooyay
dhibaato markaan cantuugee
waliba la igu sii cuslaaday
dawooy ma inaad i ciishoo
cakuye la igu wiirsadaabaa

anigoo qaba caafimaad
markaad cudur igu bilowday
hadii calaf waa nasiibe
hankaygii aad cirka ku laashay
miyuu camal iga baxaa
miyay cabashadu i daysaa

Exit mobile version