Qadar dhacay canaan maleh
Qaladna waa la sixi jiray
Labbada isku qalantana
qaar kala dilaayoo
isu qoonsadaa jira
Calaf lagama quustee
qaban qaabadaan waday
qormadii aan dagi lahayn
ayaan wali qorsheeyaa.
Wadnaha dhiiga qaadiyo
qalbigaa ku tabayee,

Qayrkeed u roonay
qiimaha aad leedahay
waa inaan qorsheeyaa
qodob qodob usheegaa.

Qotonka iyo joogiyo
qalabka iyo heesaha.
Qunyar socodka laafyaha
markaad lugaha qaadiyo.
Waaxyahaaga waaxyahaa kala qoran.

Dhexdaad qalanjo moodiyo
qoortiyo cabaadhyaha.
Sunayaasha qalinka leh
timaha dhabarka qariyiyo.
qosoolkiyo jaleecada
waxaan kugu qiyaasaa
ama kugu qadariyaa.
Hablihii quraysheed
qoomkii fardowsee.

Qofkii qofkii adi ku eegiyo
indhihii ku qaayibay
waabay kuu qushuucaan.
Qaadirkii ku uumaa
quruxdii aduunyada
kusiiyay qayboo.
Laga qaadimaayee

Exit mobile version