Dhaxaad i sidatoo
adi uun ku samraayoo
Nafta kugu sasabayee

Dhaxaan sir iyo caad
waxii aad sameysaba
u sacabo tumayee

Ogow samirkii waa jiray
waa seefta goostayoo
sadkiisa dhamaadayee

In suldaanku boqoryahay
faqiir kuna saboolyahe
in sibraar muqiil yahay
oon saa’id lagu darin
ila garo Saluuglaay

Dhaxaan samaayo
sixin iyo ahaa malab
kuu yaal sintaadee

Adiguna saluuglaay
saadasha kheyrkiyo
lumineysaayee

Adiguna suleekhaay
saadasha kheyrkiyo
lumineysaayee

Ogow samirki waa jiray
waa seefta  goostayoo
sadkiisa dhamaadayee

iney siigada boor tahay
saxansaxo udgoontahay

Inanyahay sidaadaba
marka hore salaan guud
oo waliba soorya ah
waa inaan ku siiyaa

Marka xiga sirteenee
saadasha wadatee
u sacaba tumayee
seetada laheydee

Aan ku xiray sibraartee
aan ku tuuray sanduuqee
muftaaxeedee suubane
saableyda hoosiyo
sanbabada agtoodiyo
wadnahaaga aan suray

Sow adigaan ka saaree
durba siiyay ruux kale

Sadarkaas kii xigaa
mid la socotka weeyaan
waa baadi sirteydoo
waxan aan ku suganahay

Walow adi aad u sidatoo
mudo aad i samreysoo
ii sama faleyso
salmadhigato  ka wacantahay

Sidan aad maanta yeeshiyo
saansaanta muuqda
kaa siisan maayee

Waa maxay saluuglaay
sakaraan is dhaafsamay
sidee buu xaalka kaa yahay

Exit mobile version