banaadir waa baladkii
hooyo igu barbaariso
bisinka ku bilaabayoo
ku bartay quraanki
uma quudho balaayoo
burburin maayo nabadoo
baas abuur noqon maayo
bur dheer ka tuuri maayoo
ciidankaan ku biirayaa
buudbaan ka dufaacayaa
waa meel barwaaqoo
nimcadu ay ka buuxdooo
beeraha dalaga beriga
wabiyada burqaniyo
baliyada xareeda liyo
bad ay hareer martee
badiicoow alllahayoow
barwaaqada ha baahdee
barinayee samo baxee
alloow noo biiri nabadaa

bilaneey banaadireey
boqoqradii dalkaygaay

bilaneey banaadireey
boqoqradii dalkaygaay
bulshadaa ku jeceloo
kuu basaastay adigee
quruxdiyo bilicdaaduna
indhahaa u bogayo
baryo hadanaan ku arag
hurdo bogan maayoo
heel dhamada baladuna
niyadu bogsan waysay
waa meel barwaaqoo
nimcadu ay ka buuxdoo
beraha dalaga bariga
wabiyada burqaniyoiyo
baliyada xareeda leh iyo
badu ay hareer martooo
badiicoow alllahayoow
barwaaqada ha baahdee
barinayee samo baxee
alloow noo biiri nabadaa

Exit mobile version