waligay intaan jiray
indhahaygu may qaban
gabadh adigoo kale
cimrigay ismaan odhan
arligay ku nooshay

adigana naftaydiyo
waxaad tahay arwaaxo
uurkaad ku taalaa
ku aaminaayee

waxaad tahay naciimaay
aayahayga noloshiyo
intifaacsigaygee
ilwaad qurux inaad tahay
arligaaba qiraayee
indhahaygu daymada
aday kugu il doogtaan
marka ay ku eegaan
aday kuu ilmeeyaan

ubaxii jacaylkee
edeb lagu barbaarshee
asluub lagu manaystee
oori lagu kalsoonyoo
aqal lagula hoydaay

astaan waxaad u leedahay
edebtiyo xishoodkoo
uurkaad ku taalaa
waan ku aaminaayee

Exit mobile version