VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta O1 Intro mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Omar shariif
O1 Intro

Naftuba kala midab qurxoon
Dadkuna kala dhaayo wacan
Haweenkuna kala qumanee
Marwaa tahay raad qabow
Qudhaydaan kaa jeclahay

Quruxda noloshayda iyo
Sharafta qoyskaa tahoo
Qalbiga farxadiisiiyeey
Qudhaydaan kaa jeclahay

Awlaadayda qaaligaa
Qurayshtii ii dhashaay
Dhib iyo hagar kuma quudhee
Qeyrkaa ugu sharaf badnoow
Aakhirana janadii qaboobayd
Ahow kuwa loo qalqaalshee
Malaaigtu malaaigtu qaabilayaan

Erayadaasi waxey ku jiraan
Albumka cusub ee la furayo 2011
Kuna soo dhawaada albumkan
La magac baxay qudheydaan
Kaa jeclahay

Oo ay ku jiraan heeso
Dhamaantood wada cusub
Oo runtii aad u macmacaan
Oo aad ka heli doonto

Waxa albumkan lagu soo koobay
Heeso nooc kasta leh

Waxa sidoo kale aan laga
Waayayn heesihii banaadiriga ahaa
Waxa kale oo ku jira
Heesihii af mayga
Oo aad u macaan

Albumkam oo uu codkiisa
Macaanka badan idinku
Soo gaadhsiinayo
Omar Shariif ee reer
Sawriikh ee dalkaasi
Swayska

Alfanaam omar shariif
Wuxu si gaara u xusayaa
Mahad gaarana u celinaya
Fanaanka weyn ee caanka
C/qaadir juba oo aanu
Albumkani la,aantii hirgaleen

sidoo kale wuxu xusayaa
Ibraahim cali oo ku magac
Dheer ibraahim hibo
Iyo nuur maxamed nuur
Oo ku magac dheer
Nuur dj nuur

Abwaanada & laxamiistayaasha
Albumkan ku jira ayaa waxa
Ay kala yihiin
Maxamed Muumin Ababe
Xasan Huguroow
Cumar afgooye
Abwaan Daahir
C/Qaadir Maclin Juba &
Maxamed Dubleeye

Music :
Axmad saalax qaasim mahdi

Magacyada laxamiinta
Sidoo kalena heesaha ku leh albumkan
Ayaa waxay kala yihiin :

Xasan hugurow
Cumar Afgooye

Laba musician ah :
Cali hindi
Maxamed Alto

Labada fanaan ee caanka ah
C/Qaadir Maclin Juba
Maxamed Xasan Xuseen Lafoole

Mataanaha Studio

codkii Omar shariif