Allow yaa iga dhiga labba
Aan laxaadka kala dhiminee
Kala daran mid walba
Noolalkana iskaga mid ah

Laxawguna uqeebsamo
Si aan lurka caashaqa
Ugu baxo lurkiisu

Lamaanaha jacaylkee
Laxaadkayga qeebsaday
Laabtana ku beerantahay maanta

Si aan uga lib keeno
Laakinita ugu haro
ayaguna ladaabta
Liibaan wada siman

Allow yaa iga dhiga laba
Aan liishaankuna kala harin
labantuna walaala ah
Laacana aan is dheereen

Ladaabkuna ukala harin
Si aan lahanka caashaqa
Ugu baxo lurkiisuu

Laafyaha kalgacaylkee
lubigeeyga qeebsaday
Leexadaada ku beerantahay maanta

Si aan uga lib keeno
Laakiinta ugu haro
ayaguna ladaabta
Liibaan wada siman

Exit mobile version