Inkastuu dadkuba
Danta oo dhextaal
Daldaloola hoosiyo
Laga waayin damac xumo,
Balse waxaa ugu daran
Ruuxa dowga seegoo
Siduu doono yeelloo
Garaadkiisu daadihin,
Damiirkii ka tegayoo
Iimaankii ka duuloo
Diintii hilmaamoo
Shaydaan ku duufsaday.

Anigoo daryeelkaa
Ku didaala sharaftaa
Kuu diyaarsha nolal wacan
Samma kuula duubanoo
Kaa duwa dhibaatada
Maxaad iigu darantahay?
Intaa waa digtoontahoo
Waxaad eegin dacalladda
Waxaad duugin sirahoo
Dulmaad ii maleegtaa!
Aniguna daraadaa
Fakar baan ku daaloo
Maan daayo gocoshadaa
Degi waayey maankay,
Shaxdaad ii degaysiyo
Dibindaabyadaadaan
Runtaad igu dafirin
Marbay dabad u soo bixin.

Exit mobile version