VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta La dabbaalo caashaqa old version - Lyrics

dumar kale ma caashaqin hadal dambe kumaan oran dookhaagu wuxuu rabo kolaan daynba kuu galo wali diiday kuma oran dadku wuu dagaalaa dabadeed heshiiyaa inaad raacdo duul kale ma wax loo dul qaataa? naftaydiii diidayoo kama daadegaysee adaa seegay dawgii iga durug walaaleey haatan dayradaadaan ku dedaalayaayoo ima diirinayside ogow dumarku kaa badan waan kaa dal doorsaday dusha ha iga xaganine la dabaalo la dabaalo caashaqa dami kaama aan galin duleed kaagamaan tagid hablaha da'daadana daan-daansi daayoo dibnahayga uma furin adigay daraadaa daqarradu i gaareen inaad iiga durugtaa ma wax loo dul qaataa? daruur ii da'aysiyo dabayl caafimaad baan deeqoy ku moodaye waxaad tahay qof ii daran haatan dayradaadaan ku dedaalayaayoo ima diirinayside ogow dumarku kaa badan waan kaa dal doorsaday dusha ha iga xaganine la dabaalo la dabaalo caashaqa dambigaba waxaa dhigay wadnahayga doqonkoo kaa doortay dumarkee aad dar yeeli waydoo wali daacad kuu qaba dugsi buu ku moodee adiguna dab naariyo inaad dacalka goysaa ma wax loo dul qaataa? dayaxoo aleeliyo waa duulkii suleeqaan dadka kaaga soocdee waxaad tahay habayn dam ah haatan dayradaadaan ku dedaalayaayoo ima diirinayside ogow dumarku kaa badan waan kaa dal doorsaday dusha ha iga xaganine la dabaalo la dabaalo caashaqa
Queue is empty
-- / --