VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta La dabbaalo caashaqa old version mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Omar Shooli
La dabbaalo caashaqa old version

dumar kale ma caashaqin
hadal dambe kumaan oran
dookhaagu wuxuu rabo
kolaan daynba kuu galo
wali diiday kuma oran
dadku wuu dagaalaa
dabadeed heshiiyaa
inaad raacdo duul kale
ma wax loo dul qaataa?
naftaydiii diidayoo
kama daadegaysee
adaa seegay dawgii
iga durug walaaleey

haatan dayradaadaan
ku dedaalayaayoo
ima diirinayside
ogow dumarku kaa badan
waan kaa dal doorsaday
dusha ha iga xaganine
la dabaalo la dabaalo caashaqa

dami kaama aan galin
duleed kaagamaan tagid
hablaha da’daadana
daan-daansi daayoo
dibnahayga uma furin
adigay daraadaa
daqarradu i gaareen
inaad iiga durugtaa
ma wax loo dul qaataa?
daruur ii da’aysiyo
dabayl caafimaad baan
deeqoy ku moodaye
waxaad tahay qof ii daran

haatan dayradaadaan
ku dedaalayaayoo
ima diirinayside
ogow dumarku kaa badan
waan kaa dal doorsaday
dusha ha iga xaganine
la dabaalo la dabaalo caashaqa

dambigaba waxaa dhigay
wadnahayga doqonkoo
kaa doortay dumarkee
aad dar yeeli waydoo
wali daacad kuu qaba
dugsi buu ku moodee
adiguna dab naariyo
inaad dacalka goysaa
ma wax loo dul qaataa?
dayaxoo aleeliyo
waa duulkii suleeqaan
dadka kaaga soocdee
waxaad tahay habayn dam ah

haatan dayradaadaan
ku dedaalayaayoo
ima diirinayside
ogow dumarku kaa badan
waan kaa dal doorsaday
dusha ha iga xaganine
la dabaalo la dabaalo caashaqa

codkii Omar Shooli