Walaac masuul.com
Kol-Haddeey waxgaradkii
Waaya araga dunidiyo
Dhakhaatiirta waaweyn
Cudurkaan I wiiqoo
Iga guraya waahyaha
Dawadiisii waayeen
Ama kaakba weeyee
Waxaan horayba loo baran
Bulsha wayntu qaadanoo
Wakhtigaa abuuree.
Anna waan hamoodoo
Waan hilmaami waayoo
Gabal dhiciyo waabari
Walwal iyo dhibkeediyo
Walaaceeda kama tagoo.
Waa mid igu dhex nooloo
Aan wadartu aragoo
Waxay guri ku leedahay
Bartamahaa wadnahiyo
Hawl wadeenka maankoo
Arrin waxaan gorfeeyaba
Waansiga jacayleed
Talla waxaan ku gaaraa
masuul.com
Innaan guur wadaagnoo
Wehelkaygii noqotee.

Exit mobile version