anoo u jiifa qurqur
jacayl ku xiray sarsar
intuu i galiyay dar dar
ayuu ii tuuray bar bar
dhiigana ma u raacay farfar
intuu soo celiyay car car
qalbiga ma hantiyay oo oo
caashaqu ma iqaaday kor kor
heleey heleey heleeyo
nacab yaanu samaynin fur fur
caashaqa ka badbaadi bur bur
jacaylka waraabi dur dur
heleeyo heleeyo heleey
wahabka ka ilaali war war
warkayguna gaadhin yar yar
wixii dibindaabyo wada dar dar
heleey heleeyo heleey

amaanta kalgacayl qor qor
fariimaha jacayl dir dir
xumaanta qalbigeeda tir tir
ubaxaan qaboo xir xir
albaabka gurigeeda sur sur
laamaha rucubta rux rux
waxaan ku fikiray miraha
geedka ku yaala gur gur
heleey heleey heleeyo
nacab yaanu samaynin fur fur
caashaqa ka badbaadi bur bur
jacaylka waraabi dur dur
heleeyo heleeyo heleey
wahabka ka ilaali war war
warkayguna gaadhin yar yar
wixii dibindaabyo wada dar dar
heleey heleeyo heleey

Exit mobile version