rajaan dhisayoo
ka dhamee islahaa
riyaan la dhacoo
dhamaystir lahaa
waxaan dhursug islahaa
dheeftiisa gur lahaa
beerban ha dhamee
u taagdibi lahaa

dhidiga mid qudhaan
ku dhaadan lahaa
dhabsii dumarkoo
dhaarban u mari lahaa
dhabanka xaada leh
dhuunkan islaha
is dhowrta yartoo
ubad dhala lahaa

ha dhaawiciniyo
intii aan dhayi lahaa
dhiigina midee
intii aan dhihi lahaa
miyay dhalanteed
naftii ku dhuntoo
miyaan dhalandhool
ku dhabar jaraa

dhayaaha jeela
ku dhugo is laha
dhaayaha wacanbaa
dhagayso islahaa
sidii dhibica ku
dhaasha is lahaa
mudaan dhafree
hadhkaan u dhac lahaa

jacayl dhababaan
dhag is lahaa
wadnaha ku dhigoo
dhisban is lahaa
haseeta dhacdaa
qalbiga dhigtayo
huqdaan ka dhaxlaa
la kala dhacayoo

ha dhaawiciniyo
intii aan dhayi lahaa
dhiigina midee
intii aan dhihi lahaa
miyay dhalanteed
naftii ku dhuntoo
miyaan dhalandhool
ku dhabar jaraa

Exit mobile version