naf dhab dhab kuu jecel
dheeldheel ha umalayn
ka dhawr dhawr dhibaatado
ha dhibine dhibine dhaqaalee

adoon is dhooh dhoohin
intaad dhaab dhaabto
ha dhaawac dhaawicine
kaalayoo dhool dhooli

mar dhiiri dhiiri gali
mar dheef dheefsii
mar dhan dhansii
dhay dhayda caanaha

qof dhaar dhaar kuu maray
dhayal dhalayal ha moodine
ku dhaw dhawee qalbigoo
ha dhigin dhigine dhagaysoo

adoon is dhaan dhaamin
intaad dheeg dheegto
ha dhalec dhaleecayni
kaalayoo dheel dheelsii

Exit mobile version