sidan kuu dhawranaayo
inaad iigu dhago nuglaanto
waa mid inaga dhaxaysee
kaalayoo dhabankayga dhunko

sidaan kuugu dhaadaanayo
inaad iigu dhabar adaygto
waa mid inaga dhaxaysee
kaalayoo dhabankayga dhunko

dhamays qurux taan ku dhaato
lafaha dhuuxayga oo dhan
adaa dhiiga ii dhaqaajee
kaalayoo dhabta soo fadhiiso

dhamow sharaf kaan ku dheehdow
lug iyo dhabarkiyo laxaadkow
adaa dhuuxa i dhalaashee
kaalayoo dhinacayga joogso

kolkaan ku dhugteen ku fiirsho
dhankaaga markaan jaleeco
sow ma dhaygag sow ma dhiirado
sow jacayl dhaba ima dhex qaado
dhamaan waaxyaha uma dhaadhaco

sidaan kuu dheehaanayo
inaad ii dhugasho eegto
waa mid noo dhabawdee
kaalayoo dhabankayga dhunko

sidaad kugu dheefsanaayo
inaad igu dhaqan samaato
waa mid noo dhabawdee
kaalayoo dhinacayga joogso

dhaydiyo subagaan dhitaystay
dhalaal badan taan ku dhaato
adaa dhamiday i deeqee
kaalayoo dhabta soo fadhiiso

dhulkoo dhibicdii is gaadhoo
dhirtuna ubixii magooloo
adaa dheeli tiray naftaydee
kaalayoo dhexdayda qabso

Exit mobile version