kadeedka aduunyadiyo
kurbaha waayaha la nool
ni raga dumar kaboo
ka saara kacaa kufkee

kal hore geedigaan raraa
ku faray karin lama dagee
ka raystay nitaaqadiiyo
ku faanay kolkaan ku helayee

kafeeyaay kawsareey
marwada koonkaba jirtaay
ka saar adiguna qalbiga
mid kaloon kula gaarsada

kalsoonida tii dhistee
caashaqa igu koobtayee
mudaan kalinimo socdoo
kifaaxay kolkaan ku helay

kartidu waa gobonimee
KARIIMKII ku uumaybaa
karaama ku saarayoo
adiga kali kaaga dhigayee

Exit mobile version