VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Majidho mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Oomaar
Majidho

Ma jidhiyo Waa jidhaa
Waa isku qaban jidheen
Hadal aan jirin baad
Meesha keeni jidheen
Laba is jecel baad
Kala jeedin jidheen
Khudbad aan jidhin baad
Soo jeedin jidheen
Inta guudhaan fudhaan xidhaan
Dhaankana ceelka didhaan
Intaa ma isku heli kadhaan
Warkayga ma garan kadhaa
Si dhaba ma u fahmi kadhaa
Maaxdiisa ma dhuran kadhaa
Maahmaahyo ma heli kadhaa
Ma sarbeebi kadhaa
Ma ii saafi kadhaa
Hadalkan ma kadhaa
Mise waad ka dhacdoo
Iska dhaafi kadhaa

Ma jidhiyo Waa jidhaa
Waa isku qaban jidheen
Hadal aan jirin baad
Meesha keeni jidheen
Laba is jecel baad
Kala jeedin jidheen
Khudbad aan jidhin baad
Soo jeedin jidheen

Xin iyo xaasid
Dad xumaanta
Ku xamaasha
Oo xurmaynta
Ka xumaada
Xaqdhawr beele
Yaa xushmeeya
Xaqdi beena
Dad ku xiiqa
Dambi xoogle
Xoogsanaaya
Xabaashooda
Yaa ku xoora

Kii xunkaaye xaasidka
Xuu yiri
Xamxam baan maqlayee
Xaajira
Xanta waan ka maqnaaye
Xay tiri
Wuu xumaan jecel yahay
Xaw qaban
Xaaladii gudubtee
Xaw tari

Sida dheemanka luul
Dheeheeda loo mood
Dhexda dhuuban dhab
Sida dhiisha la mood
Dhawaaqaaga macaan
Wadnuhuu ku dhacee
Dhaansiga inanayhay
Ma ila dheeli kadhaa
Ubaxan dhiinka ah
Ma ii dhiibi kadhaa
Dhab ma kaa tahayoo
Dhaxdin ma ii noqotaa

Ma jidhiyo Waa jidhaa
Waa isku qaban jidheen
Hadal aan jirin baad
Meesha keeni jidheen
Laba is jecel baad
Kala jeedin jidheen
Khudbad aan jidhin baad
Soo jeedin jidheen
Inta guudhaan fudhaan xidhaan
Dhaankana ceelka didhaan
Intaa ma isku heli kadhaan
Warkayga ma garan kadhaa
Si dhaba ma u fahmi kadhaa
Maaxdiisa ma dhuran kadhaa
Maahmaahyo ma heli kadhaa
Ma sarbeebi kadhaa
Ma ii saafi kadhaa
Hadalkan ma kadhaa
Mise waad ka dhacdoo
Iska dhaafi kadhaa

Belo kula cayaadhay

codkii Oomaar