hadaan cirka roob ka di'in
miyuu cosobkuba baxaa
miyey ceeryaamo dhalin
caleemo dhalaal qurxoon
haduu kugu raago ciil
calaalacalma kuugu dawaa
cabasho miyey wax tari
hadaad tahay ruux cadiban
intuu cimrigaagu jiru
hadaan caqligaagu jiran
miyey ciradaadu qarin
inad tahay ruux cidlo ah
hadana ruux cadiban
hadaan cidlo wehel ahayn
miyey cabsi laga baxaa
muxuu ruux ciil qaban
caloosha muxuu ka tabi
hadaad ciilkaba korayn
caloolyow maa kuu danbaa
cuqdadu miyey wax tari
hadaad tahay caano daas

Exit mobile version