xariiryahay maanka xadaysa
maxaan la xadreeyay xasuusoo
laxaad kacay xiisaha reenka

dareen i xulaa xarko goostay
xiskaygiyo maanka xanteeyay
adaa ku xardhoo xabadkayga
xoraystay xabiibii bogayga

naftaydan xabiibi xad dhaafka
jacayl xididaystay la xiiqsan
xagaaga usii xusul duuban
xalkeedu xil weeyi ku saaran

kal xaadhan xishood iyo haybad
xanaano xaqdhawrka edaabta
yartaan ku xushaay ha i xuurin

sidii xuural cayn xaragoota
maxaan xanxantooday xadreeyay
xasilay markaan xubnahaaga
ku xaday deymo xishood leh

Exit mobile version