markaad xurmooy dhaqaaqday
xaadiyo jidhkaa i xadreeyay
xubnahoo idilba dubaaxshay
xabiibi markaan ku eegay
xagaaga markaan jaleecay
xiskiyo maankayga qaaday

jacaylka wadnaha xuf siiyay
xagaaga ii soo darbeeyay
xubnaha dhiigayga raacay
xabiibi adaa igu beeray

markaad xubiga ila qaaday
xalkiisa markaad ishaartay
xanaano naftaa dareentay

xayaati markaan ku doortay
xarfaha cishqiga rumoobay
xawaare kashaa bogsootay

Exit mobile version