labada isu dhigantaa isu dheeli tira oo
dhisa guri xalaalee
dhitadiisa caashaqa inantaan la dhamaybaa
dhalanteed ka waayoo wuu nakala dhirbaaxee
dhuuni igama daadagoo imicsuna siday tahay
dhugan waayay oontee
adoo soo dhawaadoo idhagaysta mooyee
dhibta kama baxaayee yaa dhayi naftayda

labada isku dhaqanaa dhakhso kala gar qaatoo
dhiiga isku raacee
dhamaanteed aduunyada inantaan ka dheehdaa
igu dhaga adkaatoo waanigan dhac dhacayee
dhibi iima yara oo dhakhtarada kol ay tahay
kama dhuro warkoodee

Exit mobile version