anoo ku xushaad
qalbiga xagatoo
xanuun ku abuurtay
laab xalanoo

kalgacal la xumeeyay
xiiso ma lehe
naftaan ka xoreeyay
ma xaaleeyee
xiskayga jacaylka
ka xoori hadee

caashaqa xumadiisa
xalbaan u helee
xusuustii horeeto
xanbaaro hadee

anoo ku xushaad
xiriirkii jartoo
beenbaad u xadraysay
xaqiiqdii nacdee
caashaqaan la xurmayn
xaraarad maloo
xan iyo wuxuu dhali
xasarad badanoo
xajiyay dhinacayga
adaa xanibee

Exit mobile version