inta aanay gaadhayn
gacantaydu meel sare
ciil igu gaboobiyo
godobaan tirsanayaa
cidi ii garaabayn
taladaydu geed dheer
ha saarnaato guudkeed
adigana garaadkaa
indhaha la galiyayoo
rucubeey wax garashada
waa lagugu dhaafshee
midh gargaara ha ii tarin aniga

doqonbaan gafiyo
gardaro gaystay hadimoon
abaalkana gudaynine
maarba ninkii galayna
lugta kala gabanayana

Exit mobile version