Adaan quruxiyo wanaag
Adaa qotaniyo hanaan
Adaan dadka kuu qiree

Adaa raga qiimo dheeroo
Adaa qorshahaygu yahay
Inaan qoys wada dhisnee

Waxaad tahay qayb ka mida
Naftaydan qahligaa
Qadarinbaad mudantee
Miyaan qofba kula simaa

Adaa farxad lagu qanciyo
Adaa qosoliyo kalgacal
Aduu qaabkaagu yahay

Adaan qalbigayga iyo
Adaan kugu qoray wadnaha
Ku qabo maankaaga taa

Exit mobile version