sida hogosha roobkoo
dadka oo haraad qaba
hogoogana dushiisiyo
ka hilaac hawd sare
waa lagu hayaamee
nafta hibasha galisee
habeenkaynu kulanaa
ana la i haleeloo
hankalkaaga wacanbaa
hiyigayga qaatoo
hurdo seexan waayoo
adiguna halyeygaygow
raga hobolkiisow
jacayl waa hantaaqee
adigoon ihiifayn
ma is heli karaynaa
sida geel hayaamoo
heemaalka quruxdiyo
hanqiyo kooraha
hugunka isku daraybaa
kugusoo hirtaayoo
waan kuu hanwaynahayoo
heebadaada wacaniyo
tamashlaynta hadalkiyo
waa waxa ihodiyiyo
hibashaan ku noolahee
adiguna halyeyow
raga hobolkiisow
jacayl waa hantaaqee
adigoon ihiifayn
ma is heli karaynaa

Exit mobile version