Ma ogtahay aboowoow
Inaan aragtidaadiyo
Indhahaaga jecelahay
Ma ogtahay abaayooy
Markuu talaadaadiyo
Aramida jacaylka
Ku adkaysan waayee

Ma ogtahay aboowoow
Urugada jacaylkaan
La ilmaynayaayeey

Aniguba ilwaadeey
Ifka waxa ku nool dumar
Adaan kaa ishaartoo
Naftu ku ogolaatee

Aasaaska guurkiyo
Aroos aan yagleelnoo
Udugtiisa taagnee
Udugtiisa taagnee
Hadii amarku saa yahay
Aduunyada intaan la jiro
Kaa ooyi maayo
Axdigeen waan adkeenayaa

Aasaaska guurkiyo
Aroos aan yagleelnoo
Udugtiisa taagnee
Udugtiisa taagnee
Hadii amarku saa yahay
Aduunyada intaan la jiro
Kaa ooyi maayo
Axdigeen qaaligaa
Waan adkeenayaa

Umadii rasuulkoo
Isu uura baan nahay
Ogolaashahaygana
Adigaan ku siiyayee
Imakaba inoo tali
Aqbalayoo go,aankaa
Iyo aaminkaaga
Abidkay intaan jiro
Abaal ooridaydaay

Exit mobile version