inuu dookhu maamulo dareenkooda aadmiga
daadihiyo maankood darawaliyo ma ogtahay
inu caashaq daranyahay oo uu dilaa yahay
dawadaada ruux kale ku dul saaro ma ogtahay
danbi maaha aniguna dabuubtaan kuleeyahay
daf hadaan ku soo idhi jacaylbaan dayaysnahay
dibindaabyo caashaqu diihaal inuu bado
ruux loo daarona dubanaayo ma ogtahay
ana milicsi daymada markii aan ku daawaday
inaad deeqday laabtoo aan ku doorto ma ogtahay

Exit mobile version