dalkayga hooyo
dunidaan u jeclahee
dekan jaw-jaw
diifaaciisa dhiig
inaan u daadsho
kama daale
dal jirbaan ahay

shumac aan damayn iyo
adaa ii daaray nuurkee
daa'im hadii uu i oofsado
inta iga danbaysoo
dalyeerka ubadkeena iyo
dalkaaaga hooyo
u istaag u istaag

dib noqosha iyo
dandaansi ma aqaan
degan jaw-jaw
duruufuhu ma kaaran
dushayda oo
dawladaydaan difaacanaya

shumac aan damayn iyo
adaa ii daaray nuurkee
daa'im hadii uu i oofsado
inta iga danbaysoo
dalyeerka ubadkeena iyo
dalkaaaga hooyo
u istaag u istaag

Exit mobile version