aa dheemanay adnaa
inaad tahay dhamays
loo dhameeyay quruxoo
dhaqankii hooyo huwan

inaad tahay dhowrsanoo
nasiibkoo dhankaaga jiro
calafkii kuu dhignaa iyo
maherkaagiba dhacoo
waxa laguu dhigay aroos
oo laguu dhigay aroos

anaguna dhaantiyo ciyaar
walisa qaan kuu dheelnaye
ubad diinta dhowro oo
dhaqanka ilaasha abid
rabi dhaxal ha kaaga dhigo

dheemanay adnaay
inaad tahay dharaar
dhaayahu ka helan iftiin
dhaqankii hooyo huwan

inaad tahay dhowrsanoo
nasiibkoo dhankaaga jiro
calafkii kuu dhignaa iyo
maherkaagiba dhacoo
waxa laguu dhigay aroos
oo laguu dhigay aroos

anaguna dhaantiyo ciyaar
walisa qaan kuu dheelnaye
ubad diinta dhowro oo
dhaqanka ilaasha abid
rabi dhaxal ha kaaga dhigo

Exit mobile version