dumar doon ayaan ahay
dunidanba soo maray
deeqooy mid kula mida
dareenkayga may galin

dadku waxay yidhaahdaan
dhiyaasbaraad tihiinoo
dabeecadihiinu waa halis
waana daymo badantihiin
doolar iyo diinaarbaan
dhinacyada kaa dhigaya
dabadeed dakaynaa
nafteenaan u dooray

dumar doon ayaan ahay
nolol waa dadaale
waayo arag dadaalaa
doqon ma ahe karo

calankaa dushaydaa
duni aan u jecelay
dufaaciisa kama dago
dal jir daacadaan ahay
digtoonawda kuma eki
dookhna waan u leeyay
hadaan adi ku doortee
dumar kaa jeclaystay

waaryaadhaheen anaa idin kala saariyee
dhagahiina isiiya

labadiinan dooqee
doorashada u taagan
aan kala dabiibo
dadkuna ha ogaadeen

daryeel waa halkiiye
DAA'IMBAA diwaan qoray
cidi wixii u dooran
looma diidine garo

duulitaana ma rabo
dayaxbaanan doortay
dalkaygaan ku noolaan
jacaylkaan dugsanayaa
dalkaygaan daryeeli

Exit mobile version