gacaloy hooy gacalow
gacantaydii midige
gododle waa gadiisiye

gurbad iyo hurhaan
guri may gasheen
gabgabn iyo ciil
maaniga guntaday

gabo xidhay gugaygoo
weli galin todoba
gododle waa gediisi

naguryaal na gambiyay
intuu ka tumo
garbaaha waxa qariye
la gambawsadeey
gadhka xadhiga adag
lagu giijiye
guulbo adme
kolay waa gardaran

gaadmaii horaan la guuxaya
gaaxdeediban la golongaloo
gacaltooyadiin iga gaabsaten
guulow allaa
i gargarayee
gabdhayahow
galab wanaagsan
hoy gabtii wa gediniye

gacaloy hooy gacalow
gacantaydii midige
gododle waa gadiisiye

sida geed ku yaal
hagan madhan dusheedba
gangandoodaya laba
gebi dhaxdoode
gabgablaynayaayo
waan gohaya

sida goosanari
oo hirgaloo
kala gaabiya
orod hawdgacmee

gubta gogol cidlaa
ku gadandoomaya
goodiyo abeesan
gacal webi ma galaa

gacamahaygiiba
gudin igu jaroo
dumar garsho ma leh
geesiba goblamay
marka ay gantaan
sidii goodirkii
garka iyo wadanaha
garab kala heleen
gabdhayahow allow
aa galgaliyee
oo gabteen gedina wa gabten

Exit mobile version