sida dhul doogle
ubax dhalaaloo
dhamay xareedii
haniyeey dhooleey
dhaayaha u rooneey
dhaladeey aroos wacan

gaari dhawrsan
oo gob dhaba iyo
asal ka dhalatoo
dhaqan haboonoo
dhiiranbaad tahay

dhabankaaga quruxdiyo
dhaqanka suuban
waad u dhalatoo
hablaha dhigaayaad
haniyeey qiimo dheertay

ALLE ha dhawree
aabo cumariyo
hooyoxaawo
edebta ku dhalay
hani dheemaneey kugu dhalay
hani quruxeey kugu dhalay

dhexyareey arooskaagana
sharmaakoo dhigaayaa
u dhaxdee aroos wacaneey
awlaad dadkoodiyo
diintaba anfaca dhala

Exit mobile version