Sida hogasha rooboo
hargaysiyo Hooy nugaaliyo
muqidshoo ku hoortaan
nuurka hilaadisaa oo

Sida geed harwaynoo
hoobaanta baxiyoo
Ishu halacsanaysaa
hibasho galisaayee

Sida geenya hiil looo
Hubqaad iyo asluub laha
hibba eeba siiyaan
had iyo jeer macaanay
Kuu hiloobayaayoo
Horjaaga jecelahayee

Sidii deeqsi hiil lahoo
Hoo iyo wax siin lahaa
Lagu soo hirtaa baa
naftu kuu hanwayntoo
kuu haybiyaayoo
Hadalkaaga jeclahayee

SIda hanadka wiiloo
hiilada iigu deeqoo
hooyadiii ku faantaa
Anna kugu haysaayee

Sida haldhaa lagu uguboo
Qurux loo hagoogoo
Gobya godan kunool baan
Anna kugu haysaayee

Sidii deeqsi hiil lahoo
Hoo iyo wax siin lahaa
Lagu soo hirtaa baa
naftu kuu hanwayntoo
kuu haybiyaayoo
Hadalkaaga jeclahayee

Sida geenya hiil looo
Hubqaad iyo asluub laha
hibba eeba siiyaan
had iyo jeer macaanay
Kuu hiloobayaayoo
Horjaaga jecelahayee

Exit mobile version