waxaa ii darnaayoo
damac igu abuuraa
i door doorinaayee
darajadii naftaydaay
dadka taan ka dooortaay
daacad igu daryeeleey
waxa jira walaaleey walaal
inaan liito awgaa
oo heedhe heeedhe
hibiloo hibiloow wayaabaale
oo heedhe heedhe
inantu waa taan jeclaa caadiga

waayaha aduunkoow
warma qaba jacaylaa
ula dibad wareegaaye
mid kastoon waraystaaba
warsan iima sheegaayo
wuu igu dhago adkaadaa
waxa jira walaaleey walaal
inaan liito awgaa
oo heedhe heeedhe
hibiloo hibiloow wayaabaale
oo heedhe heedhe
inantu waa taan jeclaa caadiga

Exit mobile version