Aduun baa daraadaa
Daliyada habeenkii
Dugsi kama fadhiistee
Dibadaha wareegaayee

Haa Adna aqal dugsoon baa
Dawadii naftaydaayee
iga daawataayo
Hadba dooxa iga eegtaa

Ha ma dabeecadaada
Ma anaad igu dayeesaa
Ma jirka idamqanaayaa
kugu oolin deeqaay

qoroxdoo aroortii
qaybisay falaadhaha
ama qaanso roobad
daruur mida ku qariseey

qiimaheed ledahe
qofid lama amaano
qalad looma heese
qureeshtii haweenkay

naftan aad qancisayba
kuu qudhuucdayo
wanaag ku qirayse

qabriga hortii qaraade
dareen aad u qaboobiyo
qaadirkay ha ku geeyo

haa onkod roob kuma daayo
ana taaha ma daayo
ana taa ma ilaabo
jacayl ood rogan maayo
oon hilaac bixin maayo
hayro weerar ma daayo
wali aamusi maayo
ragna geesi ma diido

ila tiisa ma oodo
calaf la iskama ooto
ubax dayr ma qarsomo
godka la iskuma aaro

ifka la istudhaaya
ilka la isma gargaaro
abaar la iskama baaje
nafsi ha iga amaahan
axdigeena dhexdeena
ha iloobin aqoonte

maankiyo madaxa
i kala maqanoo
waryaahe waryaahe
idina waa maagsanaysaane

Exit mobile version