VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Keeyow mashup cover - Lyrics

Aduunbaan daraadaa Dhaliyada habeenkii Dugsi kama fariistee Dibadaha wareegaayee 2x Adna aqal dugsoonbaad Dawadii naftaydaay Iga daawataayoo Hadba doc iiga eegtaayee 2x Ma dabeecadaadaa Ma anaad igu dayaysaa Ma jirka i damqanayaa Kugu oolin baby Ma dabeecadaadaa Ma anaad igu dayaysaa Ma jirka i damqanayaa Kugu oolin huunooy Qoraxdoo aroortii Qaybisay falaarahaa Ama qaanso roobaad Daruur midab ku qarisee Qiimaheedii leedey Qof mid lama amaanoo Qalad looma heesee Qurayshtii haweenkaay 2x Naftaad qancisaybaa Kuu qushuucdayoo Wanaag kuu qiraysee 2x Qabrigaa hortii qaraadeey Bariin aad u qaboobiyo Qaadirkay ha ku geeyo 2x Onkod roobku ma daayoo Aarna taaha ma daayoo Ana taa ma ilaawoo Jacayl ood rogan maayoo Oon hilaac bi,in maayoo Ayro weerar ma daayoo Nin lihi aamusi maayoo Ergo geesi ma diidoo 2x Ilaah tiisa ma ooshoo Calaf la iskama ootoo Ubax dayr ma qarsoomo Godka la iskuma aayoo 2x Ifka la iska tudhaayee Ilkaa la isma gargaaroo Aboor la iskama baajee Nafsi ha iga amaahan Axdi na dhex yiilee Ha iloobin aqoontee 2x Maankiyo madaxaa i kala maqanoo Waryaahee waryaahee waryaa Maankiyo madaxaa i kala maqanoo Waryaahee waryaahee waryaa Idina waa igu maadsanaysaanee Idina waa igu maadsanaysaanee Idina waa igu maadsanaysaan 2x
Queue is empty
-- / --