VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Keeyow mashup cover mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Qadar keeyow
Keeyow mashup cover

Aduunbaan daraadaa
Dhaliyada habeenkii
Dugsi kama fariistee
Dibadaha wareegaayee
2x

Adna aqal dugsoonbaad
Dawadii naftaydaay
Iga daawataayoo
Hadba doc iiga eegtaayee
2x

Ma dabeecadaadaa
Ma anaad igu dayaysaa
Ma jirka i damqanayaa
Kugu oolin baby

Ma dabeecadaadaa
Ma anaad igu dayaysaa
Ma jirka i damqanayaa
Kugu oolin huunooy

Qoraxdoo aroortii
Qaybisay falaarahaa
Ama qaanso roobaad
Daruur midab ku qarisee
Qiimaheedii leedey
Qof mid lama amaanoo
Qalad looma heesee
Qurayshtii haweenkaay
2x

Naftaad qancisaybaa
Kuu qushuucdayoo
Wanaag kuu qiraysee
2x

Qabrigaa hortii qaraadeey
Bariin aad u qaboobiyo
Qaadirkay ha ku geeyo
2x

Onkod roobku ma daayoo
Aarna taaha ma daayoo
Ana taa ma ilaawoo
Jacayl ood rogan maayoo
Oon hilaac bi,in maayoo
Ayro weerar ma daayoo
Nin lihi aamusi maayoo
Ergo geesi ma diidoo
2x

Ilaah tiisa ma ooshoo
Calaf la iskama ootoo
Ubax dayr ma qarsoomo
Godka la iskuma aayoo
2x

Ifka la iska tudhaayee
Ilkaa la isma gargaaroo
Aboor la iskama baajee
Nafsi ha iga amaahan
Axdi na dhex yiilee
Ha iloobin aqoontee
2x

Maankiyo madaxaa i kala maqanoo
Waryaahee waryaahee waryaa
Maankiyo madaxaa i kala maqanoo
Waryaahee waryaahee waryaa
Idina waa igu maadsanaysaanee
Idina waa igu maadsanaysaanee
Idina waa igu maadsanaysaan
2x

codkii Qadar keeyow