qurux lagu qaboobiyo
quman daacadaa tahay
qaali loo riyaaqoo
qof dareen le baad tahay

marwo qaayo badanoo
karti loo qiraa tahay
qalanjo gaari dumaroo
maan qaboojisaad tahay

qoyskaad ka dhalataa
qaninimo ku caanoo
qun yar kuu ababshoo
oo naftaad qiiro galisaa

ruux qanaaco badaniyo
qudha doojisaa tahay
qalbi san wanaagiyo
qurayshtii ifkaa tahay

qasrigaad ku nooshahay
ayaa qiimo badanoo
hantidaadu waa qaran
guurna waad u qalantaa

Exit mobile version