hubqaadka iyo sharaftiyo
hanaankiyo socodkaad
hablihii ku dhaaftoo
hooyadii ku korisaa
habdhaqankeed leedahay
illaahay hakaa dhigo
tuu u hirgali habkeediyo
habluhuna dhamaantood
wada hiigsadaan abid
naftan hibashadeediyoo
nadiira halacsigaagii
hurda seexan waayooo
hadmaan gurii galaynaa
ha hirgalo jacaylkuye
ha mashaxaradeen haweenkuye

huunooy barashadaadii
naftaa habi ku noqotoo
ku hamiday had iyo goor
maruun inaan is helniyo
wacan horumarkeenee
illaahay hakaa dhigo
tii aan is hananee
beryo haybinaayee
ifka ugu hanwaynaa
naftan hibashadeediyoo
nadiira halacsigaagii
hurda seexan waayooo
hadmaan gurii galaynaa
ha hirgalo jacaylkuye
ha mashaxaradeen haweenkuye

Exit mobile version