nabdigayga jacaylka
ku naaxay gobaad
nasiib u heloo
nafkaad badhkeed tahay

adaa niyadayda
nasteex u noqdoo
adiga inta nool raga
kaa naawilayaa

miyaan nacabkeena
nasteex u noqdaa
miyuu nidirkeena
nusqaan galayaa

adaa nasabeey
nacayb ka foogo
sidii dayax nuura
igu deeqay nashaad

adaa naxariisiyo
nidaam i baroo
adaa nasaboo
ka noogin warkaaga

miyaan nacabkeena
nasteex u noqdaa
miyuu nidirkeena
nusqaan galayaa

Exit mobile version