jaceylku muxuu iqoodhay
nafteyda muxuu qisaasey
meelaan hadba ii qalmayn
muxuu qoonka igu xadheeyay
muxuu qayrkay iga reebay
qorsho talo igu noqdoo
qumantiyo eelkaa
inan isku qoomameyn
maxaan ku qafiley dhagaha
intan quus idhi qawaa
jidkii qumanaa ka lexday
maxan qaladka isu saxay
maxaynu naftu qayliyo buuq
maxay hadba jar igu qaadey
maxay qorfo lama dagaan
dugaagu qaraabanayo
libaax qatanaa waxbadan
haben badh iqaadan gaadhey
allaha qaadira igu dhaarshey
haween ka qatoobi maayo
dhibtoodana ka quusan maayo
anoo og qayaanadooda
goaan inaan ka gaadho
qudhaan iga leehayn
adaan ku qiranee
allow umuuraha noo qafiif
aamiin aaamiiin aaamiin
biyaha janada qabow
kuwii loo laga waraabiyo
aamiin aamiiin

Exit mobile version